Maxaad ka ogtahay maamul goboleedka aan maanta laga soomeyn ee khilaafay DF?

Garoowe (Caasimada Online) – Deegaanada Puntland ayaa maanta laga Soomin, kadib markii maamulka uu ku dhowaaqay in xalay deegaanadooda aan laga arkin bilashasa bisha Barakeysan ee Ramadaan, go’aankaas oo ka duwan midka dowladda dhexe, maadaama xalay Muqdisho looga dhawaaqay in maanta ay tahay maalinta 1-aad ee bisha Ramadaan.

Wasiirka Cadaalada Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo ay hareero taagan yihiin qaar kamid ah culimada Garoowe ayaa ku dhawaaqay in aan Puntland laga arag bishii Ramadaan isla markaana ay maanta tahay maalinta 30 aad ee bisha Shacbaan.

Wasaaradda cadaaladda iyo culimada ayaa isku raacay in maanta la dhameystiro bisha Shacbaan, berina la Soomo maalinta koowaad ee Ramadaan.

“Bishii ma sugnaan sidaas daraadeed waxaan isla qaadanay annaga oo ah culimada iyo wasaaradda cadaaladda inay beri tahay Shacbaan, sodonkeedana aan buuxineyno” ayuu yiri mid kamid culimada Puntland.

Go’aanka Puntland ayaa kusoo aaday, ayada oo xalay dowladda federaalka Soomaaliya ay xaqiijisay in maanta ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, kadib markii culimada wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta XFS ay Studiyaha Telefishinta Qaranka Soomaaliyeed ku dhaariyeen Jamaal Axmed Mayow oo sheegay in bilashada bisha Ramadaan uu ka arkay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed oo kulanka dhaarinta goobjoog ahaa ayaa ku dhawaaqay in berri ay tahay maalinta koowaad ee Soon-qaad.

Dhinaca kale, Sacuudiga ayaa isna goor sii horeysay oo xalay ah xaqiijiyay in maanta ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, ayada oo meelo kala duwan oo Sacuudiga ah laga arkay bisha.

Kadib warka kasoo baxay maamulka Xarameynka ayaa waxaa si rasmi ah taraawiixda looga bilaabay Xaramka, kadib salaaddii Cishaha.

“Bisha Ramadaan 1445/2024 ayaa laga arkay dalka Sacuudiga!. Ramadaan 1445/2024 wuxuu bilaabmayaa berri, 11 March 2024. Salaada Taraawiixda ayaa ka bilaaban doonta Labada Masjid ee Barakeysan Salaada Cishaha kadib,” ayaa lagu qoraal kasoo baxay Xarameynka.