25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Puntland oo sheegtay in ay ku hawlan tahay qabashada markab labaad oo hub sida

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in markab kale oo wata calanka waddanka Comoros, uu haatan taagan yahay meel qiyaastii 15 mayl u jirta xeebta degmada Bareeda ee gobolka Raascasyr, oo ah isla goobtii lagu qabtay markabkii hubka siday.

Xildhibaan Cumar Qariib oo ka tirsan Golaha Deegaanka Bareeda ayaa u sheegay warbaahinta in markabkan cusub uu leeyahay astaamo la mid ah kuwii lagu arkay markabkii hore, inkasta oo aan si rasmi ah loo ogaanin waxa saaran.

“Markab kale oo laga shakiyay ayaa taagan xeebaha degmada Bareeda, waa markab xamuul ah oo ay isku nooc yihiin markabkii hore loo qabtay, waxaana uu ku gooshayaa calankii uu sitay kii hubka lagu qabtay,” ayuu yiri Xildhibaan Cumar Qariib.

Sidoo kale wuxuu sheegay in la qorsheynayo in saacadaha soo aadan halkaas loo diro ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland, si ay u gaaraan markabkaas, una sameeyaan baaritaan ku saabsan ujeeddada uu u joogo iyo waxa uu sido.

Warbixintan cusub ayaa imanaysa iyadoo wali ay socdaan baaritaanno ku aaddan markabkii hore ee Sea World, oo dhawaan lagu qabtay xeebaha gobolka Raascasyr, iyadoo laga helay hub kala duwan, gaadiid dagaal iyo agabyo kale oo ciidan.

Markabkan oo illaa iyo hadda aysan jirin cid sheegatay, ayaa waxaa la sheegay in uu ku socday magaalada Muqdisho, isla markaana uu hubka u siday Dowladda Federaalka Soomaaliya. Markabkan ayaa kasoo shiraacday xeebaha dalka Turkiga, oo la rumeysan yahay in hubka looga soo raray.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in markabkan ay ku qabatay meel kamid ah aagga halista ah ee dagaalka lagula jiro kooxda Daacish, taasoo ay ku tilmaantay mid khatar dheeraad ah ku keenaysa nabad-gelyada iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale markabka ayey sheegtay inuu si sharci-darro ah ugu sugnaa biyaha Puntland, isagoo aan wax codsi caawimaad ah soo gudbin, sida waafaqsan sharciga caalamiga ah ee xuduudaha badda.

Markabka ayuu maamulku sheegay in uusan la socon wax sharciyad ah oo oggolaanaya joogitaankiisa biyaha Puntland, taas oo ka hor imaneysa heshiisyada caalamiga ah ee ilaalinta madax-bannaanida badeed ee dalalka, gaar ahaan xeerka QM ee Badda. Puntland waxay sheegtay inay haysato awood sharci ah oo ay ku baari karto maraakiibta soo gasha biyaha ay maamusho, iyadoo cuskaneysa qodobbada 25(1) iyo 27(1) ee xeerka UNCLOS.

Maamulka ayaa sidoo kale waxa uu shacabka Puntland iyo beesha caalamka la wadaagtay in joogitaanka markabkaasi si dhuumasho ah uu khatar weyn ku yahay ammaanka Puntland, gaar ahaan maadaama uu ku sugnaa aag ay dowladda kula dagaallameyso kooxaha nabad-diidka.

Si kastaba, Puntland ayaa ku andacoonaysa inay xaq u leedahay difaaca madax-bannaanideeda, ilaalinta biyaha xuduudaheeda iyo xaqiijinta ammaanka, iyadoo caddeysay in wixii ka dhasha baaritaanka markabkan laga qaadi doono tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News