Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Caasimada Online ayaa heshay xog ku aadan khilaaf weyn oo ka dhex qaraxay Maamulada Puntland iyo Galmudug kadib markii la isku qabtay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo.
Xiisadaan ayaa timid ka gadaal markii puntland ay shaacisay in 15 bishaan April oo maanta ku beegan ay dib u dhis ka bilaabi doonto garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, maadama ay Puntland dhowaan heshiis lagubalaarinayo garoonka diyaaradaha magaalada Galkacyo waxay la gashay dowladda Imaaraadka oo dhowaan la wareegtay dekedda Boosaaso.
Labada Maamul Galmudug iyo Puntland ayaa khilaafkooda la sheegayaa inuu yimid kadib markii labada Maamul ay isku qabteen lahaanshaha garoonka diyaaradaha gaalkacyo oo labada maamul ay isku maan dhafsan yihiin.
Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa waxaa gacanta ku hayo Maamulka Puntland., wuxuuna khilaaafka xoogiisa ka bilowday ka gadaal markii Puntland ay bilowday bur burinta dhulal ku dhow garoonka diyaaradaha oo dad shacab ah ay lahayeen, taasoo keentay inay ka carooto Maamulka Galmudug.
Dhulkan ay beneyneyso Puntland ayaa la sheegayaa inuu ku yaalo Galmudug , sida warar aan heleyno ay sheegayaan , waxaana taas ay keentay in xiisadda labada maamul ay sidaas ku bilaabato, waxaana laga cabsi qabaa inay sheekada isku badasho gacan ka hadal./
Maamulka puntland wuxuu sheegay in dhulkaasi lagu balaarinayo dhismaha cusub ee garoonka diyaaradaha Gaalkacyo,inkastoo Galmudug ay arintaas kasoo horjeesatay sida wararka ay sheegayaan, waxaana hadda socoto waan waan ku aadan sidii loo qaboojin lahaa xiisada taagan.
Lama qiyaasi karo sida uu xaalku noqon doono iyo sida ay labada maamul ugu heshiin doonaa dhismaha cusub ee lagu sameenayo Garoonka Diyaaradaha.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

