Puntland oo maanta qaaday tallaabo ka dhan ah hay’ada socdaalka iyo jinsiyadda DF

Garoowe (Caasimadda Online) – Waxaa hakad la galiyay munaasbadii lagu xil wareejin lahaa xafiiska hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya u qaabilsan Puntland, waana amar ka yimid ku simaha Madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan.

Xafiiska ku simaha waxaa kasoo baxay dikreeto lagu amray agaasinka guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya inuu hakiyo xil wareejinta xafiiska hay’adda, waxeyna laheyd tixraac ku saabsan warqad 8-dii January 2020 kasoo baxday xafiisak Maxamed Aaden Koofi oo ah agaasimaha guud ee hay’adda.

Cabdullaahi Cismaan Ismaaciil ayaa loo magacaabay agaasimaha cusub ee xafiiska hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Dowladda Ferderaalka u qaabilsan dhulka Puntland, waxaana agaasimahii hore loo dhaadhiciyay xafiiska hay’adda ee magaalada Muqdisho.

Munaabadaan la baajiyay waxaa la qorsheynayay in ka hor dhamaadka bishaan lagu qabto magaalada Garowe ee caasimadda Puntland mana la oga wakhtiga la qaban doono.