25.1 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Puntland oo mowqif adag ka istaagtay go’aanka looga mamnuucay 11-ka xildhibaan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – War goordhow kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Maamulka Puntland, ayaa waxaa lagu qaadacay go’aanka Guddiga xalinta Khilaafaadka ay ku amreen in Doorashooda dib loogu laabto xubno lagu doortay Magaalada Garowe.

Guddiga ayaa sheegay in go’aankaasi uu ahaa mid ay Siyaasadeyneyso Madaxtooyada Somalia, balse Guddiga Doorashooyinka Puntland waxa uu cadeeyay in go’aankaasi uu yahay mid ku ek Madaxtooyada Somalia iyo Guddiga doorashooyinka heer federaal.

Khaliif Aw-Cali oo ah Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Maamulka Puntland, ayaa sheegay in go’aankaasi uu yahay mid aan Khuseyn Puntland.

Khaliif Aw-Cali waxa uu sheegay in dib ugu laabashada doorashada Xildhibaanada kuraasta lagu celshay ay tahay mid aan u cuntameynin maamulka Puntland.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Maamulka Puntland, Khaliif Aw-Cali waxa uu intaa ku daray in Guddiga heer Federaal aysan kusoo wargalin soo saarida Warqada, sidaa darteedna aysan unuguleyn amarka dib loogu celinaayo doorashada Xildhibaanada la diiday.

Diidmada Puntland ayaa imaaneysa xili Guddiga doorashooyinka heer Federaal ay dib usoo celsheen 11 Xildhibaan oo la sheegay inaan lagu dooran qaab ay ku jirto Cadaalad.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News