Puntland oo muujisey sida xukuumadda R/W Kheyre aysan uga maarmin (Aqri)

Waxaa bulshada reer Puntland iyo Soomaali oo dhan aad uga yaabiyey shir jaraa’id oo uu shalay qabtay guddoomiyaha gobolka Nugaal  Cabdisalaan Xasan Xirsi Gu’jir ee maamul gobolleedka Puntland.

Gudoomiyaha waxa uu shirkaaas jaraa’id ku duray oo uu ku cambaareeyey Ra’iisul Wasaaraha dalka Xassan Cali Kheyre, oo uu sheegay in uu ballamo uga baxay.

Eedda waxa ay ujeedkeedu ahayd in Ra’iisul Wasaaraha uusan ka dhabbeyn ballanqaadkiisii ahaa in uu roog dhigi doono gegida cayaarayaha Mire Awaare ee Garowe!

Ogow, eedeynta mas’uulka waxa ay ku soo aadeysaa xilli mamaulka Puntland uu xiriirka u jaray dowladda dhexe, Iyaga oo soo saaray in digreetooyin mamnuucaya in dhammaan hay’adeheeda aysan la falgeli karin Federal-ka.

Hadaba, maxay muujineysaa eedda uu jeediyey gudoomiyaha?

1- Isdiidooyinka Maamulka Puntland

Maamulka Puntland waxa aad moodaa in aysan iska warqabixin oo go’aamada madaxdooda ka soo baxa aysan la socon kuwa hoose.

Waxaa taas kuu xaqiijinaya eedda uu gudoomiyaha gobolka Nugaal jeedinayo. Miyeysan Nugaal ka mid ahayn Puntland, maamulkiisa maka madax bannaan yahay Gaas, mise waxaa jiray qeybo ka mid ah oo aysan digreetooyinkii dowladda xiriirka loogu jaray laga reebay?

Haddii ay xiriirka u jareen xukuumadda, side u doonayaan gacan qabashadeeda. Tani soo nama tuseyso in Puntland aysan ka maarmin dowladda dhexe iyo taageeradeeda?

Dhammaan weydiimahaas waxaa ka jawaabi kara guddoomiyaha gobolka Nugaal.

2 – Hagardamada maamulka Puntland ee uu ku hayo shacabkiisa iyo dowladda dhexe

Ma aha markii kowaad oo laamaha maamulka Puntland isku dayaan in ay la falgalaan dowladda dhexe.

Gudoomiyaha Garowe waxaa ka horreeyey mas’uuliyiinta gobolka Bari oo qaar ka mid ah ayey Muqdisho u yimaadeen tababar ay dowladda bixineysay.

Sidoo kale wasiirada, xildhibaanada iyo Madaxweynaha ku xigeenka waxa ay si joogta ah u yimaadaan Muqdisho iyaga oo la macaamila madaxda dowladda.

Haddii sidaas xaalku yahay, soo Gaas dan u gaara uma hagardaameynayo shacabka Puntland, Soomaaliyeed iyo dowladnimadooda?

Labadan qodob waxay ku tusayaa in Puntland aysan ka maar-maarin xukuumadda, laakiin olole siyaasadeed aan meel fog jirin lagu kicinayo shacabka.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid