PUNTLAND oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda kala dhexeysa DF Soomaaliya

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa markale qaaday tallaabo horleh oo uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee haatan kala dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya oo ay horay isugu qabteen arimaha maamulka iyo dhanka awoodda.

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee dowlad Goboleedka Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si weyn uga hortimid Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed, kaas oo ay ansixintiisa wado dowladda dhexe.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland ayaa lagu sheegay in sharcigan uu khilaafsan yahay dastuurka KMG ah, gaar ahaan qodobkiisa 44-aad ee qeexaya qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya.

“Waxaa u aragnaa Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed ee baalka marsan dastuurka DFS, loogana soo horjeedo nidaamka federaalka ee dalku qaaday, una ekeysiinayay in aan lagu dhaqmeyn, lana tixgelinin shuruucda iyo xeerarka kale ee dalka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay dowlad goboleedka Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Wasaaradda Kalluumeysiga dowladda dhexe ay ku xad-gudubtay heshiisyadii horay loo galay ee labada dhinac, isla-markaana ay ku tumaneyso dhammaan shuruucda u taallo dalka.

“Waxaan aad uga xunahay in Wasaaradda Kalluumeysiga ee DF ay si joogto ah ugu tumaneyso dhammaan shuruucda dalka iyo heshiisyadii horeya loo galay, waxayna qaaday tallaabooyin is xigxigay oo ku carqaladeyneyso dowladnimada” ayey marke tiri Puntland.

Waxaa kale oo ay Puntland intaasi kusii dartay inaysan aqoonsan doomnin kuna dhaqmi doonin sharci kasta oo khilaafsan dastuurka Puntland iyo kan DFS, sidaa awgeedna ay  uga digayso madaxda dowladda federaalka Soomaaliya in la siyaasadeeyo shuruucda wadanka.

Ugu dambeyn Puntland ayaa ku hanjabtay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan isugu yeereyso hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha horumarinta kalluumeysiga, iyada oo heshiisyo gaar ah la saxiixaneyso, sida ay ku caddeysay qoraalka ay maanta soo saartay.

Tallaabadaan ayaa uga sii dareysa xiisadda labada dhinac, waana dhaawac kale oo soo gaaray xiriirka dowlad federaalka iyo maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

 

#image_title