Dowladda UK oo taageerada kala laabatay SOMALILAND kadib dagaalka Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Boqortooyada UK ayaa ku dhawaaqday go’aan lama filaan ah oo saameynaya ciidamada Somaliland oo haatan wajahayo xiisad xoogan oo ka dhalatay kacdoonka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Uk ayaa ku dhowaaqday inay hakisay lacagihii ay ku taakuleyn jirtay ciidamada Somaliland, sida lagu xusay qoraal ka soo baxay xafiis ay Britain ku leedahay magaalada Hargeysa.

Warkan qoraalka ah ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in go’aanka dhaqaalaha looga jarayo Somaliland uu dhaqangeli doono 31-ka Bishan March lagu gaaray London.

Dowladda Britain ayaa sidoo kale xustay inay qiimeyn ku sameyn doonto maal-gelinta  amniga iyo garsoorka, iyadoo la eegayo waxa u qabsoomay  Somaliland muddadii la caawinayay.

Waxaa sidoo kale warbixintan lagu sheegay in dowladda Ingiriiska ay muhiimad gaar ah siin doonto arrimaha bini’aadanimada, ayna taageeradooda u weeci doonto dhankaasi.

Dhinaca kae Boqortooyada UK ayaa si adag uga hadashay xaaladda adag ee Laascanood oo maalmihii lasoo dhaafay ay dagaallo ku dhex-marayeen Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in tallaabooyinka noocaas oo kale ah ay wiiqeyso kalsoonida ay shacabka ku qabaan hoggaanka sare ee maamulka Somaliland.

Tallaabada ay qaaday Uk ee saameyneysa ciidamada Somaliland ayaa kusoo aadayo, xilli adag, isla-markaana xukuumadda Hargeysa ay wajaheyso xaalado is-biirsaday.

Si kastaba, Somaliland oo caan ku aheyd nabada 30-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa haatan cambaareyn xoogan iyo dhaleeceen kala kulantay caalamka, kadib dagaalka Laascaanood.

#image_title