Xamza oo bilaabay qorshe lagu soo daabacayo lacag cusub + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay shirweyne muhiim ah oo looga arrinsanayo dib u daabicista lacag cusub oo Shillin Somaali ah, wuxuuna shirka ka qabsoomay Villa Somalia.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa ahaa  kulankii koowaad ee guddiga heer qaran ee hagista mashruuca dib u daabicista shillin Somaaliga, waxaana laga wada-hadlay sidii loo dardar-galin, isla-markaana dib u habeyn loogu samayn lahaa Shillin Soomaaliga.

Ugu horreyn waxaa shirkan warnixin guud kusoo bandhigay guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo xubnaha duddiga oo faahfaahin ka siiyey Ra’iisul Wasaaraha waxyaabihii u qabsoomay intii uu guddigu shaqaynayay, iyada oo laga amba-qaadayo siyaasadda Xukuumadda Dan-Qaran ee dib-u-habeyta dhaqaalaha dalka gaar ahaan soo celinta Shillin Soomaaliga.

Ujeedada ugu weyn ee loo sameynayo dadaalkan ayaa ah in ay wax badan ka beddeli doonto dhaqaalaha dadka dan-yarta ah ee ku sugan gudaha Soomalaiya.

Dhankiisa ra’iisul wasaare Xamza oo madasha ayaa ku bogaadiyay xubnaha guddiga shaqada ay qabteen, wuxuuna tilmaamay in mashruucan dib u daabicidda Shillin Soomaaligu uu wax weyn ka beddali doono dib u habeynta hay’adaha dhaqaale ee dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in haddii mashruucan uu guulaysto uu qayb wayn ka qaadanayo hoos u dhigidda dhaqaale yarida iyo saboolnimada heysata Soomaaliya

Si kastaba, shirkan oo ah kii ugu horeeyey oo uu guddigu yeesho ayaa waxa ka soo qayb galay dhamaan xubnaha guddiga, iyada oo Wasiiradda Maaliyadda Dowlad Gobolleedyada iyo Baanka Adduunka ay shirka uga qayb galeen online, ama alaadda fogaan aragga.

Soomaaliya ayaa haatan la daala dhaceysa xaaladdo is-biirsadan, hase mashruucan ayaa muhiim u ah dib usoo dhooleynta Shilinka duugoobay ee Lacagta Soomaaliga.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title