Yaa kusoo baxay doorashada guddoonka baarlamanka ee…

Jabuuti (Caasimada Online) – Baarlamaanka Jabuuti, ayaa guddoomiye cusub maanta u doortay Dileyta Maxamed Dileyta.

Dileyta, ayaa wuxuu xubin ka yahay xisbiga ugu aqlabiyadda badan ee baarlamaanka Jabuuti.

Dileyta, ayaa wuxuu dhashay bishii Maarso 12, 1958, isagoo ku dhashay gobolka Tadjoura ee dalka Jabuuti. Wuxuu ka tirsan yahay xisbiga Isku tagga Dadweynaha iyo Horumarka.

Guddoomiyaha ayaa madax ka noqonaya Golaha Shacabka Jabuuti, kaasoo maanta yeeshayKalfadhiga 1-aad ee golaha.

Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa saaka waxaa ka furmay kulankii ugu horeeyey ee kalfadhiga Golaha Shacabka.

Dileyta, ayaa wuxuu kal hore noqday ra’iisul wasaaraha Jabuuti, xili ku began 7-dii bishii Maarso, ee sanadkii 2001-kii, illaa iyo bishii Maarso 31, ee snaadkii 2013-kii.

Dhanka waxbarashada, wuxuu wax kusoo bartay magaalooyinka Qaahira iyo Reims, ka dibna Xarunta tababarada xirfadaha, ee dalka Algeria, oo uu qalin jabiyay sanadkii 1981-kii.

Markaa kadib, Dileyta, ayaa waxa uu ka soo shaqeeyay aggaasinka guud ee habmaamuuska madaxtooyada dalka Jabuuti.

Waxa uu diblumaasi ka ahaa safaaradda Jabuuti ee dalka Faransiiska bilowgii sannadkii 1990-kii, ka dibna waxa uu safiir ka ahaa dalka Itoobiya sanadkii 1997-kii, isagoo sidoo kale wakiil uga ahaa Jabuuti ururka Midowga Afrika.

Waxa uu qeyb ka ahaa wada hadaladii nabadeed ee lagu soo afjaray dagaalkii 1998-2000 ee dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

Bishii Disember sanadkii 1999-kii, Dileyta, ayaa waxaa loo wakiishay wada xaajood lala yeeshay garab ka mid ah Jabhadda (FRUD), kaasoo uu ka dhashay heshiiskii bishii Febraayo ee sanadkii 2000. Sanadkii 2000, ayaa Dileyta waxaa loo magacaabay danjiraha Jabuuti u fadhiya dalka Uganda.

Ra’iisal Wasaare, Barkat Gurad Xamadu, ayaa is casilay bishii Febraayo ee sanadkii 2001-kii.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa wuxuu u magacaabay Dileyta inuu noqdo ra’iisal wasaare bishii March 4, 2001-kii.

BBC