Puntland oo qorsheynaysa inay xirto xildhibaanadii xasaanadda laga qaaday

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi ayaa xasaanada ka qaaday illaa sideed mudane oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka Puntland, kadib eedeymo culus oo loo jeediyey.

Kulanka oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaa waxaa ka qeyb-galay xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, kaas oo golaha wakiilada ka hor aqriyey eedeymaha ka dhanka ah xildhibaanada xasaanada lagala noqday, waxaana ka mid ah eedeymaha loo jeediyey, falal ka dhan ah jebinta xeer hoosaadka iyo anshaxa baarlamaanka maamulkaasi.

Kadib markii maanta xasaanada laga qaaday xildhibaanada siddeeda ah ayaa waxa uu Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland ku dhawaaqay inaysan ka bixi karin magaalada Garoowe, ilaa inta laga horgeynayo xubnahaasi maxkamadda sarre ee maamulkaasi.

Sidoo kale waxa uu xeer ilaaliyuhu sheegay inay xadidayaan dhaq-dhaqaaqyada mudaneyaashaasi, isla markaana ay gacan ku hayntodoa la wareegayaan ciidamada amaanka Puntland, ka hor inta aan la horgeyn maxkamadda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, maamulka Puntland ayaa qorsheynaya in siddeeda xildhibaan oo si weyn uga soo horjeeda guddoonka baarlamaanka lagu xukumo xabsi guri, sida ay siyaasiyiin horeba loo galiyay xabsi gurigaas.

Xildhibaanada xasaanada lagala noqday ayaa loo haysta inay maalintii Isniintii ay is hor-istaag ku sameeyeen Kulan uu Wasiirka Qorsheynta Puntland ku hortegi lahaa Golaha Wakiilada.

Waxa kale oo eedeymaha loo haysto kamid ah inay siddeeda xubnood ay ku kaceyn falal kasoo horjeeda sharafta iyo karaamada Golaha Wakiilada Puntland, sidoo kale ay sameeyeen carqaladeyn ka dhan ah howl-maalmeedka shaqo ee golahaasi, iyagoo aflagaado u geystay Guddoonka iyo Xubnaha kale ee Golaha, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha guud.

Xildhibaanada xasaanada laga qaaday ayaa kala ah: Maxamuud Axmed Caalim, Muuse Siciid Xassan (Jajabsay), Suleebaan Faraax Ciise, Cabdiqani Abshir Surato, Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Cabdiraxmaan Maxamud Maxamed (Dhoorre),Cabdicasiis Salaad Gacmay (Baduugaaye)  iyo Cabdijamaal Cismaan Maxamed.