Puntland oo ku dhowaaqday dagaal ka dhan ah Somaliland iyo xiisad kacsan

Garowe (Caasimada Online) – Xili Booqasho afar maalin qaadatay uu ku joogo deegaanka Taleex Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa iminka waxaa soo baxaya in Maamulka Puntland qorshaynayo weerar ka dhan ah Maamulka Somaliland kaas oo la rabo in lagula wareego Gobalka Sool.

TaliyahaCiidamada Daraawiishta Degmada Taleex ayaa si cad u sheegay in Ciidamada daraawiishta ee deegaanka heegan buuxa la galiyay islamarkaana loo diyaariyay dagaal ay ku qaadan Ciidamada Somaliland ee ku sugan Magaalada Laascaanood.

Taliye  Cali Baale oo ah Madaxa Ciidamada deegaanka waxa uu sheegay in Ciidamada yahiin kuwa qalabaysan waxa uuna sheegay in dagaal ka dan ah ku qaadi doonaan deegaanada ay ka joogaan Gobalka Sool Ciidamada Somaliland.

Cali Baale waxa uu sheegay in ay wadaan qorshe la doonayo in Gobalka Sool looga xureeyo Maamulka Somaliland sida uu sheegay waxa uuna xusay in deegaanada Gobalka Sool Somaliland si xoog ah ku haysato muda sanooyin ah.

Mr Baale waxa uu sheegay in qorshahaan uu qayb ka noqon doono Maamulka Khaatumo waxa uuna tilmaamay in labada dhinac iska kaashan doonaan dagaalka ka dhanka ah Maamulka Somaliland ee a qorshaynayo in dhawaan lagu qaado Laascaanood si gacanta Puntland ugu soo nqoqoto.

Xilidhibaan Saadaq Garaad oo ka mid ah Golaha Baarlamanka Puntland ayaa sheegay dhawaan in Puntland diyaar u tahay in ay xurayso Gobalka Sool iyo deeganada kale ee Somaliland xooga ku qabsatay waxa uuna xildhibaanka sheegay in dhawaan tilaabadaa la qaadi doono.

Madaxwayne Ku xigeenka Puntland Cabdi SamadCali Shire wali kama uusan hadlin arintaa laakiin dhinaca kale waxa ay walaac ku haysaa booqashada Cabdi samad Maamulka Somaliland waxa ayna booqashadaa ku macneeyeen mid khal khal lagu galinayo amniga Somalialnd iyo wada noolashaha dadka deegaanka ku dhaqan.

isha: Wehelmedia