PUNTLAND oo shaacisay cidda ka dambeysay weerarkii beerta Nabaddoon Yaasiin

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga xaqiiqo raadinta ee ay dowlad goboleedka Puntland u xil-saartay baaritaanka weerarkii lagu qaaday Beerta Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa shaaca ka qaaday natiijada baaristooda iyo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo dhacay 21-04-2022-ka.

Guddiga oo ka kooban 6 xubnood, isla-markaana baaristooda ay qaadatay muddo dheer ayaa ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland Saciid Deni u gudbiyey natiijada soo baxday.

Warbixinta guddiga oo dhowr bog ka kooban ayaa waxaa lagu shaaciyey in dhibaatadaas ay mas’uul ka yihiin taliye ku xigeenka qeybta Booliska gobolka Mudug Gaashanle Dhexe Cabdisiciid Xuseen Jaamac (Koomaad) oo uu dhaawac ka soo gaaray falkaasi iyo taliyaha saldhigga Siinaay ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, Laba Xiddigle Siciid Salaad Kadawo.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaciyey khasaaraha ka dhashay dhacdadaasi, wuxuuna xaqiijiyey inuu ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa Ciidanka PSF oo ilaalinayey goobta, halka ay ku dhaawacmeen Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad, taliye ku xigeenka qeybta Booliiska Gobolka Mudug G/dhexe Cabdisiciid Koomaad iyo askari kale oo ka tirsan PSF.

Xubnaha guddiga ayaa sidoo kale soo jeediyey in Puntland ay bixiso khasaarihii meeshaas ka dhacay naf iyo maalba, isla-markaana raalli-gelin siiso dadkii waxyeelladu gaartay.

Ugu dambeyn xubnaha guddiga oo warbixintooda kusoo lifaaqay caddeymo ayaa ku baaqay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado saraakiisha ku lugta laheyd falkaasi.

Si kastaba, xukuumadda Puntland oo uu hoggaamiyo Deni ayaa laga sugayaa jawaabta natiijada ay soo bandhigeen guddiga loo xil-saaray dhacdadaas oo muran xoogan dhalisay, maadaama goobta la weeraray uu ku sugnaa wasiirka arrimaha dibadda, Cabdisaiid Muuse.