Xamza oo la kulmay Lafta-gareen xilli ay qorshe wadaan madax goboleedyada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka, Xamse Cabdi Barre ayaa xalay hoygiisa ku qaabilay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ka dib booqasho uu ugu yimid.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Ra’iisal Wasaaraha ugu hambalyeeyay kalsoonida Golaha Shacabka ee Sabtidii uu helay, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

“Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa hoygiisa ku soo booqday Ra’iisal Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre, isagoo ugu hambalyeeyay in uu helay kalsoonida Golaha Shacabka, una rajeeyay in Eebbe la garab galo waajibaadka qaran ee horyaalla.”

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa guda geli doono dhismaha xukuumaddiisa, kolka uu xafiiska kala wareego Ra’iisal Wasaarihii ka horreeyay, Maxamed Xuseen Rooble.

Qaar ka mid ah madax goboleedyada ayaa wada qorsheyaal ay isku dayayaan inay saameyn ku yeeshaan magacaabista golaha wasiirada, islamarkaana ay xubno ku yeeshaan, balse uma muuqato inay taas aqbali doonaan Xasan Sheekh iyo Xamza Cabdi Barre.