Puntland oo shaacisay habraaca diiwaan-gelinta ee ururada siyaasadeed

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka maamulka Puntland oo soo saaray Warsaxaafadeed cusub ayaa shaaciyey shuruudaha iyo habraaca loo marayo diiwaan-gelinta ururada siyaasadeed ee maamulkaasi.

Warqad ka soo baxday guddiga ayaa lagu sheegay in is-diiwaan gelintu ay bilaabatay 15-kii bishan, kuna ekaan doonto illaa 15-ka March ee sanadka soo socda 2020-ka.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in urur kasta laga rabo liiska aas aasayaasha, xeerka u dagsan iyo inuu bixiyo 3500 oo Dollar-ka Mareykanka, taas oo aan celis laheyn.

Warka ka soo baxay guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in shuruudaha laga doonayo ururada ay ka mid yihiin: in urur kasta lix ka mid ah gobollada Puntland uu ku leeyahay ugu yaraan 300 oo taageeraayaal ah, kuwaas oo buuxiyey shuruudaha cod-bixinta iyo sidoo kale in ay reeban yihiin ururada ama xisbiyada leh muuqaalka qabiil ama ciidan.

Dhowaan ayuu si rasmi ah Madaxweyne Deni uu daah-furay qorshe howleedka guddiga doorashooyinka Puntland, kaas oo shalay codsiga is-diiwan gelinta ka guddoomay ururkii ugu horreeyey ee qaata formka.

Puntland waa maamulkii ugu horreeyey ee ka aas aas-ma Soomaaliya, waxaana tan iyo intii jirtay horumar ka sameysay dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.