Puntland oo shaacisay liiska kuraasta ugu horeysa ee ay doorashadooda qabaneyso

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa goordhoweyd shaaciyey 10 kursi oo kamid ah kuwa Golaha Shacabka, kadib markii uu kal hore uu maamulka uu sheegay inuu diyaar u yahay qabashada doorashada.

Guddiga ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku soo bandhigeen liiska kuraastaas, kuwaasi oo kala ah; HOP#196, HOP#166, HOP#128, HOP#200, HOP#235, HOP#223, HOP#249, HOP#232, HOP#094 iyo HOP#144.

Tobanka kursi ee uu shaaciyey guddiga doorashada Puntland ayaa waxay kamid yihiin 37 kursi oo ku asteysan deegaanka maamulkaas, sidoo kale waxay billow u yihiin doorashada Golaha Shacabka ee Puntland.

Shaacintan ayaa imaneysa saacado un kadib markii ay Madaxtooyada Puntland ay sheegtay inay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wada-tashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.

Guddiga ma shaacin xilliga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada kuraastan, marka laga imaado in tobankan kursi ay yihiin kuwa u horeeyay ee uu qabanayo doorashadooda.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa dalka kasii socota xilli ay ku gadaaman yihiin mad-madow badan, ayada Midowga Musharaxiinta ay qaadaceen, islamarkaana ay dalbadeen in la hakiyo, illaa inta dib u sixid lagu sameynayo qaladaadka ka jira.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii