Maxaa kasoo baxay shirkii Rooble iyo beesha caalamka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd soo dhamaaday shirkii u socday Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xubnaha Beesha Caalamka oo ku qabsoomay aalada fogaan arraga (Zoom-ka), kaasi oo ku saabsana xaaladihii u dambeeyay ee soo kordhay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in shirkaas looga wada-hadlay xaaladda dalka, dardar-galinta doorashooyinka iyo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa u xaqiijiyay Wakiilada Beesha Caalamka in shirka furmaya ay diiradda ku saari doonaan ilaalinta hufnaanta doorashada iyo sixitaanka, ku dhaqanka habraacyada doorashada iyo soo saaridda jadwal ay ku caddahay waqtiga ay soo gabagaboobeyso doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble.

Sida uu Rooble u sheegay xubnaha Beesha Caalamka shirka la qorsheynayo inay yeeshaan Golaha Wada-tashiga Qaranka ayaa waxaa lagu soo saari doona jadwal doorasho oo mudeynaya xilliga ay soo gaba-gabobeyso doorashada dalka, ayada oo hore u fashilmeen dhowr jadwal doorasho oo lasoo saaray.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaalka Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira sidii doorashada u noqon lahayd mid daah-furan oo lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale waxay si gaar ah u soo dhoweeyeen kulammada wada-tashiga ah ee Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Midowga Murashaxiinta, Bulshada Rayidka ah iyo Beesha Caalamka, si uu u dhageysto talooyinkooda ku aaddan hagaajinta hufnaanta iyo daah-furnaanta doorashada.

Kulanka ayaa imanaya xilli uu cirka isku shareeray khilaafka cusub ee ka dhex qarxay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, islamarkaana ay labada dhinac ku baaqeen shirar is khilaafsan.

Beesha Caalamka ayaa dadaal badan ku bixisay in doorashooyinka ka bilowdaan dalka, waxayna xilligaan rabtaa in khilaafka Rooble iyo Farmaajo uusan wax saameyn ah ku yeelan geedi socodka doorashooyinka.

Si kastaba, Beesha Caalamka ayaa u muuqata mid arrimaha doorashada ku gacan siineysa Ra’iisul Wasaare Rooble oo kal hore loo igmaday, waxayna wada dadaalo ku aadan in si dhaqso ah loo saxo qaladaadka ka jira doorashada, si saamileyda siyaasiyadda ugu wada qancaan, loona dhameystiro doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii