Guddiga doorashada oo lagala wareegay maamulka ciwaanada baraha bulshada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa markii uu shalay ku dhawaaqay inay xilkii ka qaadeen Maxamed Xasan Cirro, ayaa waxaa gebi ahaanba lagala wareegay barihii bulshada ee Guddiga iyo mareegtii rasmiga aheyd ee uu lahaa.

Caasimada Online ayaa ogaatay in koox ka tirsan Villa Somalia ay la wareegtay maamulka bogagii uu Guddiga ku lahaa baraha bulshada iyo mareegtii rasmiga aheyd, taasi oo lagu baahiyay in waxba kama jiraan tahy xil ka qaadistaas.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal wuxuu cadaynayaa in aysan jirin xil ka qaadis lagu sameeyey guddoomiyaha guddiga iyo ku-xigeenkiisa, ayna hawlahooda shaqo si rasmiya u wataan,” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee Guddiga oo xubnihii shalay shiray sheegeen in uusan wax saameyn ah ku laheyn go’aankii xilka uga qaadeen Guddoomiye Cirro.

Mowliid Mataan oo shir guddoominayay kulankii shalay ayaa sheegay in waxkasta oo lagu daabaco baraha lala wareegay ee guddiga aysan ansax aheyn, illaa inta ay dib ugu soo celinayaan gacanta Guddiga, sida uu sheegay.

“Waxaa rabnaa in umadda Soomaaliyeed u sheegno intii aan ku gudo jirnay dooda waxaa lala wareegay guud ahaan barihii bulshada ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal haddii ay tahay Twitter, Website iyo Facebook,” ayuu yiri.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa u kala qeybsamay labo garab sida muuqata, kadib markii xilka laga qaaday guddoomiye Cirro oo lagu eedeyay inuu xadgudub joogto ah ku hayo guddiyada doorashada, wax wada-tashi ahna la sameyn guddoonka iyo guddiyada intiisa kale, uuna lumiyey madax-banaanadii guddiga doorashooyinka isla markaasna uu baalmaray xeerarkii guddi hoosaadka u yaalay iyo habraacii guud ee doorashada dalka.

Sidoo kale waxaa eedeymaha xilka looga qaaday guddoomiye Cirro kamid ah; Inuu iska qaatay go’aano qatar u keeni kara doorashada oo uusan guddiga waxba ka ogeyn kuna matalin, sababna u noqday inuu xumaado xiriirkii ka dhaxeeyey guddiyada dhexdooda iyo golaha wada-tashiga Qaranka iyo Wada-shaqeyn xumo u dhaxeysa guddoomiyaha, guddiyada heer maamul Goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii