Dalalka Mareykanka iyo UK oo taageeray shirka Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka iyo UK ayaa mar kale ku celiyey inay taageersan yihiin shirka uu ku baaqay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee Golaha Wadatashiga Qaran

Qoraal kooban oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu yiri “Waxaan sii wadeynaa inaan taageerno baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Wada-hadallada toddobaadkan ee Madashan horey u jirtay waxay muhiim u yihiin dedejinta hanaanka doorashada Soomaaliya iyo sixitaanka khaladaadka la arkay.”

Safiirka UK, Kate Foster ayaa iyana tiri “Waxaan sii wadeynaa inaan taageerno baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Madashan muhiimka ah waa halka ay tahay in cabashooyinka iyo arrimaha wax looga qabto. Wadahadalka waa u muhiim wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo khaladadaadka la arkay iyo dedejinta hanaanka doorasho ee Soomaaliya.”

Warka kasoo baxay Mareykanka iyo UK ayaa muhiim u ah ra’iisul wasaare Rooble, xilli madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isna iclaamiyey shir kale oo lagu carqaladeynayo midka Rooble.

Qoraalka Mareykanka iyo UK ayaa yimid saacado kadib markii uu soo dhammaaday kulan uu hab fogaan arag ah ra’iisul wasaare Rooble kula yeeshay wakiilada beesha caalamka.

Sida uu Rooble u sheegay xubnaha Beesha Caalamka, shirka la qorsheynayo inay yeeshaan Golaha Wada-tashiga Qaranka ayaa waxaa lagu soo saari doona jadwal doorasho oo mudeynaya xilliga ay soo gaba-gabobeyso doorashada dalka, ayada oo hore u fashilmeen dhowr jadwal doorasho oo lasoo saaray.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaalka Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira sidii doorashada u noqon lahayd mid daah-furan oo lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale waxay si gaar ah u soo dhoweeyeen kulammada wada-tashiga ah ee Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Midowga Murashaxiinta, Bulshada Rayidka ah iyo Beesha Caalamka, si uu u dhageysto talooyinkooda ku aaddan hagaajinta hufnaanta iyo daah-furnaanta doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii