Daawo: Cali Guudlaawe oo ugu dambeyn loo ogolaaday inuu tago gobolka Hiiraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxgaradka, duubabka iyo odayaasha dhaqanka beelaha dega gobolka Hiiraan oo ku shiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe uu tegi doono gobolka Hiiraan oo sida ay sheegeen aan cidina ka hor istaagi doonin.

Sidoo kale waxgaradka oo warbaahinta la hadlay Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeelle Yuusuf Dabageed waxay ka dalbaday inuu raali gelin ka bixiyo hadalkiisii ahaa in doorashada xildhibaanada ee ka dhaceysa Beledweyne ay ku soo bixi doonaan xubnaha ay rabaan.

Odayaasha ayaa dalbaday in doorashada ka dhaceysa Beledweyne isha lagu hayo, “Yuusuf Dabageed waxaan leenahay wixii aad dhahday ka noqo oo raali gelin ka bixi,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Hiiraan.

“Reer Hiiraan hadaan nahay waxaan leenahay Madaxweyne Cali Guudlaawe hadii uusan tegin Hiiraan, caqabad ayaa ku jirta meeshaas, waxaan soo dhaweyneynaa oo aan mar kasta ku celcelineynaa Madaxweyne Cali Guudlaawe Hiiraan lagama lahane waa inuu tago,” ayuu yiri mid ka waxgaradka reer Hiiraan.

Sidoo kale waxgaradkii hadlay ayaa meel ka dhac ku tilmaamay hadalkii Yuusuf Dabageed, “Odayaashu waxay soo jeediyeen arrintaas inay aad uga xunyihiin, waa inaad ka waantowdo oo ka noqotaa hadalkaas Madaxweyne,” ayuu yiri nabadoon kale.

Hoos ka daawo