Muxuu C/llaahi Maxamed Nuur ka yiri muddo kororsiga cusub ee laga shaqeynayo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa si adag uga horyimid isku dayga muddo kororsi ee dalka ka socdo, xilli ay xiisad cusub ka dhex-qaraxday madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo jeediyay si looga hortago qalaalase siyaasadeed iyo mid amni oo dalka ka dhaca in hanaanka doorashada iyo hogaaminteeda loo daayo Ra’iiusl Wasaare Rooble oo kal hore loo igmaday.

Sidoo kale waxa uu riyo maalmeed ku tilmaamay isku day kasta oo muddo kordhin cusub lagu sameynayo ama doorashada lagu qal-qal gelinayo, taasi oo qorshaheeda uu wado madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

“Si looga hortago xasaradda siyaasadeed iyo midda bani’aadaminimo ee abuurmeysa, ikhtiyaarka kaliya ee muuqda waa in la xaqiijiyo hanaan doorasho oo nabadeed, lagu kalsoon karo, loo dhan yahay islamarkaana dhex-dhexaad ah, oo uu hoggaamiyo ra’iisul wasaaraha sida loogu igmaday. Isku day kasta oo muddo kororsi cusub ah ama is-mari waa doorasho ah waa mid aan la aqbali karin, waana riyo maalmeed,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa imanaya maalin kadib markii uu Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur uu qaaday tallaabo shaki gelisay mowqifkiisa siyaasadeed, kadib markii uu Farmaajo ugu yeeray “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,” oo muddo uu inkirsanaa.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kahor inta aan wasiirka amniga loo magacaabin, ee uu socday loolankii u dhaxeeyey Farmaajo iyo mucaaradkii Badbaado Qaran, wuxuu Farmaajo ugu yeeri jiray “Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.”

Cabdullaahi ayaa xitaa kasii fogaa xubnaha kale ee mucaaradka oo Farmaajo ugu yeera madaxweynaha muddo xileedksiiu dhammaaday, isaga oo si cad u sheegi jiray inuu si sharci darro ah ku joogo Villa Somalia. Wuxuu sidoo kale ugu yeeray “hoggaamiye kooxeed kaligii taliye ah.”

Hase yeeshee munaasabad shalay ka dhacday Muqdisho, oo loogu dabaal-degayey sanad-guuradii 78-aad ee aas-aaska ciidamada booliska Soomaaliya, ayuu Cabdullaahi Maxamed Nuur ayada oo ay daawanayaan boqoaal qof, wuxuu Farmaajo ugu wacay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.”

Tallabaada uu shalay qaaday ayaa u muuqata inay tahay qalad uu ku dhacay oo ku tala-gal aheyn ama ujeedo kale kalaha, ayada oo hadalka maanta uu banaanka usoo saarayo in wax isbedel ah ku iman mowqifkiisi siyaasadeed.

Hadalka shalay ayaa niyad jabiyey dad badan oo taageersanaa wasiirka ama ka mid ah mucaaradka Farmaajo, kuwaas oo aad ugu dhaleeceeyey baraha bulshada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii