Jubaland oo diiwaan-gelisay musharaxiinta kuraas ka mid ah golaha shacabka

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa shalay bilaabay diiwaan-gelinta Musharaxiinta 6 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo la qorsheynayo in maalinta Talaadada doorashadooda ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Musharaxii ugu horeeyay ee guddiga uu shalay diiwaan-geliyo ayaa waxa uu ahaa Guddoomiyihii hore Guddiga doorashooyinka Jubbaland, Xamse Cabdi Barre oo isku soo taagay kursiga tirsigiisu yahay HOP#203.

Xamse Barre oo la guddoonsiiyay shahaadada musharaxnimada, ayaa sida aan hore u baahinay waxa uu kamid yahay shaqsiyaad uu si gaar ah madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ugu xiray Sagaal kursi oo kamid ah Golaha Shacabka, waxaana lasiiyay HOP#203.

Sidoo kale Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa diiwaan-geliyay Musharax Xildhibaan Maxamed Cali Cumar, kaasi oo u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP#108, ayada oo la siiyay shahaadada musharaxnimada.

Guddiga ayaa sidoo kale gudoonsiiyay shahaadada musharaxnimo musharax Xildhibaan Maryan Aweys Jaamac iyo Saynab Cali Muganga oo u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP 113 

Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa maanta soo geba-gabeynaya diiwaan-gelinta musharaxiinta lixda kursi ee uu hore u shaaciyey maamulka, si Talaadada loo qabto doorashadooda.

Kuraasta maamulka uu shaaciyey ayaa waxaa durba soo baxeyso cabasho laga muujinayo sida uu Axmed Madoobe ku wajahayo doorashada Golaha Shacabka, waxaana lagu eedeeyey inuu Kuraasta dhan u diyaarsaday shaqsiyaad uu isaga aaminsan yahay.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyey inuusan wax talo ah ka siin salaadiinta iyo odayaasha dhaqanka rasmiga ah ee loogu talagalay inay soo xulaan ergada dooraneyso Kuraasta.

Oday dhaqameedyadii rasmiga ahaa ayaa haatan qaarkood si cad uga hor yimid inuu Ahmed Madoobe doorashada sida uu isaga rabo ka sameeyo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii