Wasaaradda A/Dibedda Mareykanka oo war kasoo saartay shirka Muqdisho iyo doorashada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa lagu taageeray shirkii uu iclaamiyey ra’iisul wasaare Rooble, sidoo kale waxaa qoraalka walaac looga muujiyey khilaafaadka siyaasadeed ee madaxda ugu sareysa dalka.

Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku bilaawday, “Dowladda Mareykanka waxay taageereysaa baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee toddobaadkan oo diiradda lagu saarayo horumarinta iyo dedejinta hanaanka doorashada Soomaaliya.”

Sidoo kale qoraalkaan ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay si qoto dheer uga walaacsan tahay dib u dhacyada joogtada iyo khaladadaadka waxyeeleeyey kalsoonida hanaanka doorashada.

“Waa muhiim in hogaamiyayaasha qaranka iyo dowlad goboleedyada ay si deg deg ah u dhameystiraan doorashooyin madaxweyne iyo baarlaman oo lagu kalsoonaan karo, daah-furan loona dhan yahay, isla markaana ay walaacyada jira wax uga qabtaan hab furan oo la aqbali karo,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Ugu dambeyntii qoraalka waxaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’antahay inay taageerto nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo wax kasta oo la heli karo u adeegsan doonta in lagu guuleysto hadafyadaas.

Warkaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku soo aaday iyadoo qoraal kale oo isla caawa ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho lagu yiri, “Waxaan sii wadeynaa inaan taageerno baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Wada-hadallada toddobaadkan ee Madashan horey u jirtay waxay muhiim u yihiin dedejinta hanaanka doorashada Soomaaliya iyo sixitaanka khaladaadka la arkay.”

Baaqyadaan ay soo saartay dowladda Mareykanka ayaa imaanaya xilli uu soo ifbaxay khilaaf culus oo u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble. Madaxweynaha ayaa ku eedeeyey Ra’iisul wasaaraha inuu ku fashilmay hoggaaminta doorashada, isagoo dowlad goboleedyada ugu yeeray shir, si looga tashado qofka loo dhiibayo hoggaanka doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii