PUNTLAND oo shaacisay natiijada DAD laga baaray cudurka CORONAVIRUS

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa shaacisay natiijada ka soo baxday baaritaan ay ku sameysay dad looga shakiyey Corona.

Wasiirka wasaaradaasi, Dr. Jaamac Faarax Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in baaritaanka ay u direen magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya, islamarkaana shaqsiyaadka oo gaarayey 5 ruux, laga waayey afar ka mid ah cudurka.

Dr. Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in shaqsiga kale uu weli dhiiggiisa ku maqan yahay sheybaarka, islamarkaana ay sugayaan jawaabtiisa.

Sidoo kale wuxuu uga digay Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland inay fududeystaan cudurka, isagoo ugu baaqay inay qaataan talooyinka caafimaadka.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku adkeeyey inay ka guddi ahaan xoojin doonaan dadaallada ay wadaan, si looga hortago faafitaanka caabuq Corona

Puntland ayaa si weyn uga feejigan halista Coronavirus, waxaana dhowaan ay karantiil gelisay in ka badan 20-ruux oo looga shakiyey cudurkan oo fara ba’an ku haya caalamka.

Halkaan hoose ka aqriso warsaxaafadeed ka soo baxay guddiga ka hortagga cudurka Coronavirus ee Puntland.