Axmed Madoobe, Seeraar iyo Xidig oo la sheegay inay heshiis ku gaareen Nairobi

Nairobi (Caasimadda Online) – Qaar ka mid ah xubnaha is-beddel doonka Jubaland ee kasoo horjeeda Axmed Madoobe ayaa sheegay in heshiis horudhac ah lagu gaaray wada-hadalladii Nairobi uga socday madaxweynaha Jubaland iyo Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xidig, oo iyagana la sheegtay madaxweyne.

Wada-hadalladaan ayaa waxaa garwadeyn ka ah dowladda Kenya oo ka shaqeysay sidii la isugu keeni lahaa Axmed Madoobe iyo xubnaha ku haysta xilka madaxweynaha.

Cabdinuur Jaamac Jookar oo ka mid ah is-beddel doonka, kuna sugan Kismaayo, ayaa sheegay in dhinacyada ay isku raaceen qodobo ay ka mid yihiin in madaxweyne Axmed Madoobe loo daayo xilka madaxweynaha, islamarkaana xubnaha kale lagu qanciyo waxyaabo kale.

Jookar ayaa intaas ku daray in Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xidig ay qasabtay dowladda Kenya.

“Waxaan maqleynaa oo Jubaland ay aad uga xuntahay, Seeraar iyo Xidig waxaa qasabtay Nairobi, oo qodobo ayaa la soo saarteen Axmed Madoobe. Dhammaan xubnihii Is-beddel doonka ee Kismaayo arrintaas ayey ka shireen, aad ayaan uga xunnahay, mana soo dhooweyneyno. Sidii ay meesha uga soo bixi lahaayeen ha uga soo baxaan,” ayuu yiri Jookar.

Caasimada Online oo xiriir la sameeysay xafiiska Axmed Madoobe, iyo xubnaha ku dhow Seeraar iyo Xidig, waa ay diideen inay xaqiijiyaan heshiiska la sheegay in la gaaray.

Horraantii bishii Febraayo ayey aheyd markii xubnaha mucaaradka ee Jubaland diyaarad Militari oo ay leedahay Kenya looga soo qaaday magaalada Kismaayo, waxaana wada-hadallada qeyb ka ahaa wakiilo ka socda militariga iyo sirdoonka Kenya.

Hoos ka dhageyso codka Jookar