Cali Jeyte oo Beledweyne ka bilaabay kulamo, xilli ay weli ka taagan tahay xiisad

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jeyte Cusmaan ayaa saaka kulamo uu la leeyahay saraakiisha ciidanka, xuno ka tirsan maamulka gobolka iyo kan degmada Beledweyne ka bilaabay magaaladaasi.

Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxaa looga arrisanayaa xiisada maamul ee ka taagan magaaladaasi, kadib markii guddoomiyihii hore uu ka biyo diiday xilka qaadista.

Sidoo kale waxaa kulamadaan oo ay qeyb ka yihiin bahda Garsoorka looga hadlayaa dardar gelin lahaa howlaha shaqo ee horyaalla maamulka cusub.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Cali Muxumed Caraale oo diidan inuu xilka wareejiyo uu dhankiis ku sugan yahay gudaha magaalada Beledweyne, kaas oo shalay shaaciyey inuu weli yahay guddoomiyaha saxda ah ee gobolka Hiiraan, sida uu sheegtay.

Sidoo kale waxaa fashilmay wadahadallo lagu doonayey in Caraale lagu qanciyo inuu aqbalo xilka qaadista, iyadoo maagaalada laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo xoogan.

Hiiraan waxaa inta badan ku soo laa laabta khilaafaadka salka ku haya arrimaha maamulka, taas oo sabab looga dhigo is bed-bedalka ay HirShabelle ku sameyso.