Sawirro: Itoobiya oo gacanta ku dhigtay hub & dhar ciidan

Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska ee maamulka magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa howlgal ballaaran oo ay sameeyeen waxay ku soo qabteen hub iyo dhar ciidan oo bakhaar lagu keydiyey.

Hubka ay ciidamadu qabteen oo aad u badan ayaa waxaa ka mid ah Bambo-Gacmeed, Bistoolad iyo in ka badan 250 xabo oo rasaas ah.

Sidoo kale dharka ay ciidamadu ay gacanta ku dhigeen ayaa isugu jira midka ay xirtaan ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga, kuwaas oo ay ku buufsan yihiin (Somali Police), islamarkaana ah kuwa ay adeegsadaan ciidanka dowlad deegaanka Soomaalida dalkaasi.

Taliska ayaa sheegay in bakhaarka lagu qariyey hubkaasi ay kireysatay Haweeney, taas oo milkiilaha u sheegtay in ay ku keydsaneyso Kabo ay iibiso.

Laamaha amniga ismaamulka magaalada Addis Ababa ayaa sidoo kale shaacisay inay gacanta ku hayaan shan ruux oo ay ku jirto haweeneyda kireysatay bakhaarka.

“Waxaa shaqsiyaadkaasi booliska gacanta uu ku soo dhagay hadda ku socota baaritaan lagu ogaanayo arrinta loo haysto doorka ay ku leeyihiin.” ayuu yiri taliyaha taliyaha ciidamada booliska degmada Addis Ketema ee magaalada Addis Ababa, Kebede Asafa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay xogo muhiim ah ka heleen shacabka, islamarkaana ay u sahashay inay gacanta ku dhigaan hubka iyo dharka ciidan.

Si kastaba ha’ahaateen ma’ahan markii ugu horreysay oo ay Itoobiya gacanta ku dhigto hub sharci darro ah, iyadoo ciqaab adag mariso shaqsiyadka lagu helo arrintaasi.