QM oo war ka soo saartay falkii ka dhacay AFGOOYE

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda UNFPA oo ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay fal kufsi arxan darro ahaa oo todobaadkii la soo dhaafay degmada Afgooye loogu geystay laba gabdhood oo da’yar ah.

UNFPA ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay falkaasi arxan darrada ah ee lagula kacay gabdhahaasi oo haatan lagu dabiibayo isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho.

“UNFPA Somalia waxay si xoogan u cambaareyneysaa afduubka iyo kufsiga labada hablood ee da’da yar, oo da’doodu tahay saddex iyo afar jir markii ay ku ciyaarayeen 30-kii Maarso 2020 magaalada Afgooye, gobolka Shabeelaha Hoose, Soomaaliya”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay hay’adda UNFPA oo ay heshay Caasimada Online.

Sidoo kale UNFPA ayaa intaasi ku dartay in labada gabdhood ay ku jiraan xaalad halis ah, balse ay hadda la tacaalayaan dhaqaatiirta isbitaalka la dhigay ee Madiina.

Ugu dambeyn ha’adda ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay gacanta ku soo dhigto dambiilayaasha, si cadaalada loo horkeeno.

“Sharciga wuxuu muhiim u yahay ka hortagga iyo la tacaalida dambiyada galmoodka.” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Falkaan ayaa dhacay 30-kii bishii hore ee la soo dhaafay ee Maarso, iyadoona lagula kacay Aamino Muuse Axmed oo saddex sano ah jir ah iyo Sumayo Cabaas Cumar oo afar sano jir ah, waxaana dhacdadaan ay si weyn u taabatay quluubta dhamaan dadka Soomaaliyeed.