Puntland oo shaacisay waxay ka tabaneyso DF iyo wararkii u dambeeyey kulamada Deni iyo Xasan

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa habeenkii labaad ku sugan magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland, wuxuuna wadahadallo kula jiraa madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni ayaa xalay yeeshay kulankii ugu waqtiga dheeraa, kaas oo albaabadu ay u xiraayeen, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir.

“Madaxweynuhu waa kii shalay yimid Puntland. Soo dhawayntii kadib madaxweyneyaashu waxay yeesheen kulan ay labadooda kaliya ku ahaayeen. Waxaan qiyaasayaa inay ka wadahadleen sidii isfaham ay u gaari lahaayeen, inta aanu kulanku ballaaranin,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland oo BBC la hadlay.

Hoggaanka Puntland oo mudo dheer uu khilaaf kala soo dhaxeeyey dowladda dhexe intii uu hoggaaminayey Farmaajo ayaa weli muujinaya saluug, wuxuuna safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ku qutumaa sidii meesha looga saari lahaa madmadowga jira.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa wareysiga uu siiyey BBC wuxuu ku muujiyey in Puntland aysan ku qanacsanayn sida ay Madaxtooyada Soomaaliya wax u waddo, isagoo sheegay in dowladda federaalka ay ka doonayaan dhowr arrimood.

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waawayn ee mas’uuliyiinta Puntland ay hadda ku dhaliilayaan maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh waa “wadashaqayn la’aan”, sida uu sheegay Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirka ayaa sheegay in Puntland dhaliilsan tahay hanaanka loo maamulay socdaalay uu dalka dibadiisa ugu baxay madaxweyne Xasan Sheekh. “Socdaallo aan ka yarayn sagaal buu galay madaxweynuhu, keligiis buu ku ahaa, iyadoo waliba Wasiir Arrimaha Dibadda ah uu jiro,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Wasiirka ayaa intaas ku sii daray, “Puntland waxay dowladda dhexe ka rabtaa wadashaqayn buuxda. Mas’uuliyiin baa laga soo doortaa maamullada oo dhan, oo goleyaasha dowladda ku jira, sida Golaha Shacabka iyo Aalka Sare. Waa inay dowladdu u oggolaato matalaad ay dadkii yeeshaan oo ay ku matalaan heshiisyada la gaarayo.”

Waxaa xusid mudan in safarkaan uu madaxweynuhu ku tegay Puntland uu ku soo aaday iyadoo ay u buuxsantay 100-ka maalmood ee ugu horeysa mudo xileedkiisaan, wuxuu horay safarro ugu tegay dowlad goboleedyada K/Galbeed iyo Galmudug.

Caawa oo ah habeenkii labaad waxaa weli socda kulamada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaanka Puntland, mana jirto cid xog ka bixisay hadii ay jiraan wax la isla meel dhigay, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in booqashada Madaxweynaha ee Puntland ay qaada doonto laba cisho, mudadaas oo caawa ku eg, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ay dhinacyadu kulamadooda ka soo saaraan war-murtiyeed.