Puntland oo sheegtay in 9 qodob oo ay Xamar la tagtay laga dhego-fureystay (Aqri qodobadaas).!!

Garoowe (Caasimada Online) – Afhayeenka maamulka Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac “Quraan Jecel” ayaa ka hadlay aragtida Puntland ee warmurtiyeedkii shalay laga soo saaray Muqdisho.

Quraan Jecel ayaa sheegay Puntland inay shirka la tagtay 9 Mabda’a oo kala duwan kuwaasi oo ka mid ahaayeen; Dastuurka, qabsoomidda doorashada xilligii horay loo qorsheeyay, soo xulista Barlamanka Somalia, cida go’aamin doonta iyo qodobo kale.

Qodobada Puntland wax dood ah lagama furin sida uu sheegay Afhayeenka Puntland oo dhegaha ayaa laga fureystay.

Bartamaha bisha 10-aad ayuu sheegay in loo ballansanyahay shir kale kaasi oo Puntland aragtideeda ku soo bandhigi doonto. 

Hoos ka aqri sagaalka qodob ee Puntland ay wadato, oo rabto in Soomaalida oo idil ay aqbasho.

1) – Dastuurka KMG ee DFS waa kii lagu heshiiyey laguna kala saxiixday Nairobi June 22, 2012.

2) – Waa in dooarashadu ay dalka ka qabsoonto wakhtiga loogu talagalay ayadoo aan lagu darin waqti.

3) – Waa in Xulashada Baarlamanaka cusub lagu saleeyaa 18 kii gobol iyo degmooyinkii jiray kahor burburkii Somaaliya 1991.

4) – Hannaanka xulashada Baarlamaanka cusub waxaa go’aaminaya Dowlad goboleedyada iyo Maamulada ka jira degaankaas iyagoo la tashanaya bulshada qaybaheeda kala duwan .

5) – Waa in la dhiso Golaha Aqalka Sare (Upper House) laguna saleeyo 18 kii Gobol ee ka horeeyey 1991.

6) – Waa in go’aan kama danbeys ah laga gaaro meesha, maqaamka iyo xuduudaha ay yeelaneyso caasumada soomaaliya.

7) – Waa in dib loo wada dhisaa dhammaan guddiyada heer Qaran sida Guddiga Doorashoyinka, Gudiga Xuduudahaha, Gudiga Garsoorka, Gudiga Dastuurka, IWM.

8) – Waa in la caddeeyaa maamul goboleedyada buuxiyey shuruudaha dastuurka iyo kuwa aan buuxin iyo maqaamka ay kala yeelanayaan kuwa KMG ah iyo kuwa ka baxay.

9) – Awood qaybsiga Dowlad goboleedyadu waa inuu ku salaysan yahay baaxadda deegaanka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com