PUNTLAND oo weerar ku qaadday Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalin ka hor uu Magaalada Muqdisho kusoo idlaaday Shirkii wadatashiga Aayaha Somalia, ayaa waxaan shirkaasi wax qiima leh ka dhigin Maamulka Puntland.

C/laahi Maxamed Jaamac (Quraan Jecel) Afhayeenka Maamul goboleedka Puntland oo shirka kadib la hadlay saxaafada ayaa sheegay in Maamulka uusan waxba u arag natiijadii kasoo baxday shirka wadatashiga.

Waxa uu sheegay in War-murtiyeedkii kasoo baxay shirka uusan micno gaar ah u laheyn Maamulka isaga oo taa badalkeeda sheegay in ahmiyadu ay goor waliba siin doonaan waxa iyaga u cuntama oo kaliya.

Quraan Jecel waxa uu tilmaamay in shirkaasi ay garabka ka riixeyso Beesha Caalamka hadii uusan arinku sidaa ahaan laheyn ay Puntland ku meyl adeegi laheyd diidmada shirka.

Waxa uu sheegay in Puntland gabi ahaan aysan la dhacsaneyn qaabka ay u shaqeyso DF Somalia, taasina ay ka doorbidayaan inay muujiyaan Siyaasad ka madax-banaan tan Dowlada.

Shirkaani shirarka xiga ayuu sheegay inay ka fiirsan doonaan islamarkaana ay iminka go’aan kasii gaari doonaan sida ay ka yeeli lahaayen.

Puntland ayaa masiirka Umadda Soomaaliyeed ka dhigtay mid iyada gacanteeda ku jira, hayeeshee taasi uma suurta geli doonto.

Haddalka Quraan Jecel ayaa u muuqanaaya mid lagu xagal daacinaayo aayaha umadda Soomaaliyeed, waxa ayna taasi muujineysaa in Siyaasada Somalia ay isku bedeshay hanaan qabiil.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com