XOG: AXMED Madoobe oo qaatay taladii XASAN

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kadib markii uu ka qeyb galay shirkii wadatashiga magaalada Muqdisho ee laga soo saaray war-murtiyeedka dhismaha Madasha Qaran ee wadatashiga.

Axmed Madoobe iyo Wafdigiisa ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo iyadoo ammaanka si weyn loo adkeeyay, waxaana uu diiday inuu saxaafadda la hadlo oo wax faahfaahin ah ka bixiyo socdaalkiisii magaalada Muqdisho iyo wixii ay kala kulmeen.

Lama oga sababta Axmed Madoobe saxaafada Kismaayo ugu diiday inuu faahfaahin siiyo iyadoo tiro badan oo weriyeyaal ah garoonka ku sugayeen, laakiin waxaa wafdiga Jubba ay ahaayeen kuwo si fiican u dhaqan geliyay inaan wixii khilaafaad ah saxaafadda la isku marin oo caleemo saarkiisii ay isku raaceen isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Lama oga in arrintu sidaa sii ahaan doonto iyo in isbedel ku imaan doono maamulka Jubba oo hadda u muuqda inuu meel iska dhigay xulafadii uu la ahaa Puntland oo intii ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho kaliya u doodayeen dano u gaara maamulkooda Jubba.

isha goobjooge

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com