Puntland oo shirka Sabtida war kasoo saartay, naqdisay ‘sheegashada’ FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Puntland ayaa soo dhoweysay shirka la filayo inuu Sabtida ka dhaco Afisyoone ee ay soo qaban qaabisay beesha caalamka, kaasi oo yeelanayaan madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland waxay soo dhoweysay dadaal ay waday Beesha Caalamka oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku xeeran arrimaha Doorashada, waxaana lays la gartay in Sabtida 03 April 2021, ay Madaxda DFS iyo Dowladaha Xubnaha Ka ah DFS isugu yimaadaan Shir hordhac u noqda Shirka wadatashiga arrimaha doorashada.”

Qoraalka Puntland ayaa sidoo kale naqdiyey qoraal xalay kasoo baxay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Farmaajo, oo uu ku sheegtay inuu shirka isaga isugu yeeray.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa mar kale isugu yeeray madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir inay shir (ice break) isugu yimaaddaan maalinta Sabtida 3-da April 2021 si looga wada hadlo hirgelinta heshiisyadii 17-ka September 2020 iyo 16-ka Febraayo 2021,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe.

Si kastaba, Puntland ayaa sheegtay in shirkan ay soo qaban-qaabisay beesha caalamka. “Shirkan oo ay qaban qaabisay Beesha Caalamka ayaa ujeedkiisu yahay si Madaxda Soomaaliyeed ay is afgarad uga gaaraan ajandaha Shirka iyo sida ugu habboon ee uu u qabsoomayo Shirka wadatashiga,” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.

Farmaajo ayaa horey sidan oo kale dhowr jeer isugu dayey inuu isu muujiyo inuu shir isugu yeeray madax goboleedyada kadib markii ay beesha caalamka soo qaban-qaabisay, si u muujiyo in weli awooddiisa madaxweyne ay shaqeyneyo kadib markii uu muddo xileedku ka dhamaaday.

Shirka Sabtida ayaa ah mid aan rasmi aheyn, waxaana kaliya looga hadlayaa ajendaha shirka weyn, oo weli aan la isku raacin, waxaana marka ajendaha meel la isla dhigo kadib furmi doona shirka qaran ee wada-tashiga arrimaha doorashooyinka.