Sawirro: Geesigii Soomaaliga ahaa ee weerarkii Westgate Mall oo loo doortay xil sare

Gaarisa (Caasimada Online) – Shaqsiyaad siyaasadda Soomaalida Kenya iyo odayaasha dhaqanka ayaa ka shaqeeyay in Abdul Haji oo ah wiilkii Soomaaliyeed ee loogu magac daray Geesiga Wesgate uu noqdo Senatorka Gaarisa isagoo aanu cidna la tartamin.

Sida uu daabacay Wargeyska The Standard, Abdul Haji oo aabihii uu ahaa Senatorka awooda badan ku lahaa siyaasadda dalka Kenya ee Yusuf Haji oo geeriyooday bishii Febraayo 2020 ayaa tartan la’aan ku guuleystay kursigii uu aabihii ka geeriyooday, iyadoo ay taageerayaan siyaasiyiin iyo odayaasha gobolada NFD ee Soomaalida Kenya.

Sideed sano ka hor, Abdul Haji wuxuu noqday halyeey warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamka si gaar ah ugu hadlaan markii uu kasoo muuqdey ficiillo geesinimo leh, kadib markii la sawiray isagoo soo bad-baadinaya haween iyo rag ajnabi iyo Kenyan ah oo ku sugnaa Westgate Mall, halkaas oo ay Al-Shabaab weerartay.

Haji oo ku hubeysnaa bastoolad ayaa muuqaaladii ay qabteen kaamirooyinka ay muujinayeen isagoo caruur, haween iyo dad kale soo bad-baadinaya, taasoo uu ku mudeystay in loogu yeero Geesigii Westgate, warbaahintana ay buun buuniso.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dadaalkii uu sameeyay ku abaal mariyay bulad geesinimo ah ee heer qaran ah.

Arbacadii lasoo dhaafay Abdul Haji ayaa waxaa ansixiyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha [IEBC] inuu noqdo Senator-ka labaad ee Gaarisa, isaga oo aan cidna la tartamin, kadib meelmarinta axsaab siyaasadeed iyo is afgarad dhex maray odayaasha dhaqanka.

Abdul Haji waxaa siyaasadda ugu horeeyay walaalkiis ka weyn Nuradin oo ahaa agaasimaha xeer ilaalinta guud ee qaranka Jamhuuriyadda Kenya.

Waxaa la filayaa in Abdul Haji uu dhaarinta ka sugo Afhayeenka Senate-ka, Kenneth Lusaka. Aabihiis, Senator Yusuf Haji wuxuu madax ka ahaa mashruuca BBI ee mideeyay Uhuru Kenyatta iyo mucaaradkiisa dhanka siyaasadda sida weyn isaga soo hor jeeday ee Raila Odinga, taasoo sumcad iyo tixgelin qoyskaasi ay ku yeeshaan Kenya keentay.