Shirka Sabtida: Laba ka mid ah shuruudihii Saciid Deni iyo A/Madoobe oo la aqbalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa dadaal dheer kadib ku guuleysatay inay shir isugu keento madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, shirkaas oo maalinta Sabtida ee berri ka dhacay teendhada Afisyoone.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, islamarkaana ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah maamul goboleedyada, shirkan ayaa ah mid aan rasmi aheyn, wuxuuna horudhac u yahay shirka wada-tashiga qaran ee looga doodayo arrimaha doorashada

Shirka ayaa imanaya ayada oo la aqbalay laba ka mid ah shuruudihii adkaaa ee ay wateen madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe, kuwaas oo kala ahaa:-

1- Ajendaha Shirka: Axmed Madoobe iyo Deni ayaa doonaya in kahor shirka wada-tashiga laga wada hadlo ajendaha shirka. Qodobkan ayaa muhiim u ahaa Deni iyo Axmed Madoobe, oo doonaya in ajendaha lagu soo daro weerarkii ay ciidanka dowladda 19-kii Febraayo ku qaadeen dibad-baxayaasha Muqdisho, iyo musharaxiinta madaxweynaha. Villa Somalia waxay dooneysay in laga hadlo kaliya arrimaha doorashada. Deni iyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale doonaya in laga hadlo awoodda Farmaajo iyo inuu saxiixo warqad uu ku sheegay inuu wareejiyo, maadaama muddo xileedkiisu dhammaaday.

2- Goobjooga Beesha Caalamka: Axmed Madoobe iyo Deni ayaa muddo ku adkeysanayey in beesha caalamka ay goobjoog ka noqoto shir kasta oo dhacaya, ayaga oo sheegay inaysan aamini karin madaxweyne Farmaajo. Dhowr jeer oo horey oo ay beesha caalamka sameysay dadaallo ay ku dhacayaan shiar ay goobjoog ka tahay waxaa “xagal-daaciyey” Villa Somalia, taasi oo horseeday in marar badan ay guul-darreystaan dadaalalda wada-hadallada.

Sida aan xogta ku helnay shirka Sabtida dhacaya ayaa looga hadlayaa kaliya ajendaha shirka weyn. Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaan doona wakiilo ka socda beesha caalamka, taasi oo ka dhigan in la aqbalay laba ka mid ah dalabyadii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni. 

Axmed Madoobe iyo Deni kuma guuleysan wax kasta oo ay rabaan, waxaana jirtay inay horey ugu guul-darreysteen mid ka mid ah shuruudihii ay ku xireeen in dib loo billaabo wada-hadallada.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in wakiilada beesha caalamka ay diideen dalabkii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ee ahaa in Farmaajo uusan shir guddoomin wada-hadallada, una sheegeen inay shuruudaas ka tanaasulaan, taasi oo ay aqbaleen.