DF Soomaaliya oo shaacisay waqtiga dib loo billaabayo bixinta baasaboorada dalka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dib u bilaabi doonto bixinta Baasaboorka, oo muddo aan la bixin sababo la xiriira cudurka Coranavirus oo dalka ku soo laba kacleeyay.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa ku wargelisay in maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay 4 April, 2021, dib loo billaabi doono howlihii bixinta Baasaboorka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa tilmaantay in xarun kasta oo baasaboorka laga bixiyo ay qaabili doonto kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray (50%).

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in qof kasta oo imaanaya xarumaha Hay’adda, uu markasta ximaado Af-xirka (Mask), islamarkaana uu ilaaliyo masaafada kala fogaanshaha (Social distance), kung ekaado barta loo calaamadeeyey ama loo tilmaamey.

Waxay sidoo kale sheegtay in xaruumaha Hay’adda uu soo geli karo oo kali ah qofka adeegga loo sameynayo, islarmarkaana Caruurta, Waayeelka, Dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyo dadka xanuunsan loo ogolaan doono tiro xadidan.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa u xayirnaa qaadashada baasaboorada oo la xayiray muddo badan.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.