Maxaa looga hadlay shirkii DF, IMF iyo WORLD BANK?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa ka qeyb-galay shirka sanadlaha ah ee IMF iyo World Bank, kaasi oo u qabsoomay habka fogaan arragga.

Shirkaan oo socon doona muddo toddobaad ah, ayaa waxa kale oo ka qeyb-galay dhamaan Wasiirada maaliyada ee dalalka Carabta, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay furitaanka shirkaas.

Beyle ayaa shirkaas kadib, si gaar ah kulan ula yeeshay madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee qaarada Afirka, Hafez Ghanem iyo Agaasimaha IMF, Kristalina Georgieva oo ayagu qeyb ka ahaa shirkii maanta furmay.

Kulankaan gaar ah ee dhex-maray sii-hayaha wasiirka maaliyada iyo mas’uuliyiintaan ayaa waxaa diirada lagu saaray dib u habeynta dhaqaalaha, dhameystirka hanaanka deyn cafinta iyo saameynta cudurka safmarka ah ee Covid-19.

“Dadaalladii mira dhalay ee Wasaaradda Maaliyadda iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha waxa ay inoo fureen Albaabada caalam iyo garab istaagga Soomaaliya,” ayuu yiri Beyle oo kulanka kadib qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook.

Dhawaan unbey aheyd markii Hay’adda lacagta aduunka ee IMF ay ansixisay kaalmo dhaqaale dheeri ah lagu siinayo dowladda Soomaaliya, midaasi oo qeyb ka ah barnaamijka deyn cafinta dalalka faqiirka ah ee deyntu la degtay oo kamid tahay Soomaaliya.

Guddiga fulinta IMF ayaa dabayaaqadii bishii hore ansixiyay in dowladda Soomaaliya la siiyo lacag gaareysa 0.97-Milyan oo dollarka Mareykanka, dhaqaalahaasi oo ay sheegtay in loo adeegsan doono sidii Soomaaliya uga soo bixi laheyd waajibaadka geedi socodka deyn cafinta.