Diiwaan-galin lagu billaabay askartii sida qarsoodiga ah loogu qaaday dalka Eritrea

Asmara (Caasimadda Online) – Diiwaangalin ayaa lagu billaabay qeyb ka mid ah ciidamadii ay dowladda Soomaaliya sida qarsoodiga ah ugu dirtay dalka Eritrea, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ciidamada oo ehelkooda lasoo xiriiray.

Askartaan lama oga tiradooda saxda ah, balse marka ay diiwaan-galintooda dhamaato ayey dib ugu soo laaban doonaan dalka, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, mana la oga hadii dowladda ay soo laabashadooda iclaamin doonto.

Dadka qaar waxey leeyahiin waxaa suuragal ah in dowladda aysan shaacin soo laabashadooda, islamarkaana ay mar kale qaab qarsoodi ah uga soo dajin doonto garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Dowladda ayaa horey dhowr boqol oo askari oo tababarka soo dhameystay ugu soo celisay Muqdisho, hase yeeshee waxay kaidb qadaay boqolaal kale, waxaana la rumeysan yahay in Eritrea ay ku sugan yihiin ciidan ka badan kun.

“Waxaa jira ciidamo aan wali loo dhameyn tababarka, kuwaas oo sii joogi doona dalka Eritrea,” ayuu yiri mid ka mid ah askarta halkaas joogta oo lasoo xiriiray ehelkiisa.

Ilo wareedyo lagu kalsoon ayaa sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu halmar booqday askartaas mar uu tegay Eritrea, iyadoo aysan wali dowladda wax faah-faahin ah ka bixin askartaas la sheegay in si qarsoodi ah tababarka loogu qaaday.

Dhanka kale, waxaa jirta in lasoo wariyay in askartaas ay ka qeyb galeen dagaalkii gobolka Tigraay, balse dowladda wey beenisay, mana jiraan caddeymo arrintaas loo helay.

Soo laabashada ciidamadaan ayaa kusoo beegmeysa xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala guur ah, Farmaajo lagu eedeynaayo inuu rabo inuu xoog u adeegsado doorashada, isagoo fure ka dhiganaya ciidamada, waxaana jira walaac ay mucaaradka iyo dowlad goboleedyada qaar qabaan oo ah in la boobo doorashada.