Joe Biden oo hal sano ku kordhiyey cunaqabteyntii Mareykanka ee Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay amar madaxweyne oo muddo sanad ah ku kordhinaya cunaqabateynada Mareykanka uu kusoo rogay Soomaaliya, kuwaas oo ay horey u saxiixeen madaxweyne Obama iyo Trump, sida uu sheegay Aqalka Cad.

“Xaaladda Soomaaliya waxay weli halis aan caadi aheyn kusoo rogeysaa amniga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka,” ayuu yiri madaxweyne Joe Biden.

“Sababtan darteed, xaaladda deg degga ah ee la saaray Soomaaliay April 12, 2010, iyo tallaabooyinkii la qaaday July 20, 2012, waa inay sii socdaan marka la dhaafo April 12 2021,” ayuu yiri Biden oo muddo hal sano ah ku kordhiyey amarka madaxweyne ee tirsigiisu yahay E.O 13556.

Amarka E.O 13556 ayaa wuxuu cunaqabteyn saarayaa shakhsiyaadka iyo hay’adaha loo arko inay halis ku yihiin amniga Soomaaliya, ee ay shaaciyaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

Waxa uu sidoo kale mamnuucayaa in si toos ama aan toos aheyn loo halis geliyo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya, ciidamada Amisom, ama in si wax is-daba marin ah loo isticmaalo hantida Soomaaliya. 

Amarkan ayaa sidoo kale reebaya in la is-hortaago gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo dadka Soomaalida ee u baahan. 

Wuxuu beegsanayaa shaqsiyaadka loo arko inay amraan ama ka qeyb qaataan ficillo rabshado oo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ku jiraan dilka, kufsiga, xadgudubyada jinsiga ku dhisan, weerarada iskuullada iyo isbitaalada, afduubka iyo barakicinta.

Amarka ayaa sidoo kale diidaya inay hoggaamiyayaasha siyaasadeed iyo kuwa militari ee Soomaaliya ay caruurta u qortaan askar ahaan, iyo in si toos ama aan toos aheyn loogu lug yeesho u dhoofinta ama ka dhoofinta dhuxusha ee Soomaaliya, iyo qodobo kale.

Amarkan waxaa horey loogu beegsaday oo uu xayiraado ugu soo rogay ururka Al-Shabaab iyo shaqsiyaad badan oo kooxdaas ka tirsan ama ka tirsanaa.

Kordhinta xayiraadda Soomaaliya ayaa kusoo aadeyso xilli Farmaajo uu ka dhamaaday muddo xileedkiisa, islamarkaasna illaa hadda lagu heshiin la’yahay qaabka ay u dhaceyso doorashada Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waday cadaadis ay madaxda Dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ku saareyso sidii xal deg deg ah looga gaari lahaa muranka ka taagan doorashada Soomaaliya.

Mareykanka oo horey ugu hanjabay siyaasiyiinta Soomaalida, ayaa qodobkan ku beegsan kara cid kasta oo loo arko inay halis ku tahay amniga Soomaaliya.