Xog: Dood weli ka taagan amniga shirka berri iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli ay dood ka taagan tahay qaabka loo sugayo amniga shirka berri ka dhacaya teendhada Afisyoone, ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, ayada oo weli aan farsamo ahaan la isku fahmin.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in inkasta oo mabda’ ahaan la isku raacsan yahay in Amisom ay sugto amniga guud, haddana ay dood ka taagan ilaalada gaarka ah ee madaxda la galeysa goobta shirka, taasi oo weli laga wada-hadlayo.

Wararkii ugu dambeeyey ee nasoo gaaray ayaa sheegaya in laba kulan oo saraakiisha AMISOM iyo QM ee qaabilsan sugitaanka amniga shirka berri ay si gaar gaar ula kala yeesheen saraakiisha Amniga Villa Somalia iyo kuwa Jubaland iyo Puntland aan weli heshiis rasmi ah looga gaarin qaabka loo sugayo amniga teendhada madaxdu ku shireyso.

Waxyaabaha weli aan la isku raacin waxaa ka mid ah tirada ilaalo ama ciidanka dharcad ee qolo kasta loo ogolyahay inay teendhada shirka la tagto.

Saraakiisha AMISOM ayaa wada dadaal la isugu keenayo labada kooxood ee kala mataleysa Villa Somalia iyo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni si ka hor inta aan shirka berri barqadii furmin looga heshiiyo qaabka ugu habboon ee amniga gudaha loo sugi karo, iyadoo si guud looga mideysan yahay in amniga guud ay AMISOM la wareegto.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa ka aamin baxay Farmaajo wixii ka dambeeyey markii ciidamada dowladda ay hotelka Maa’ida ku weerareen madaxweynayaashii hore ee dalka 19-kii February, ayaga oo sidoo kalena rasaas huwiyey shacab si nabdoon u dibad-baxayey, waxayna aaminsan yihiin in Farmaajo ay wax kasta ka suurtoobaan.