Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay maqaayad ku taalla Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)- Qarax is-miidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, gaar ahaan halka loo yaqaano Seddaxda-geed, waxaana ka dhashay khasaare nafeed oo isgu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo uu fuliyey qof is-miidaamiyey aa ayaa lala beegsaday goob maqaayad ah oo aad ugu dhaw saldhigga booliska degmada Shangaani, halkaasi oo ay ku shaahayeen dad shacab ah, sida uu xaqiijiyey afhayeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar.

“Qof naftii halige ah ayaa isku qarxiyay dad shacab ah oo ku shaahayay xaafadda Sadaxda Geed dagmada Shangaani, Qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhashay,” ayuu yiri Ismaaciil oo qoraal kooban soo dhigay twitter.

Goobjoogayaal ayaa sidoo kale Caasimada Online u xaqiijiyey inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo qaraxa ka dhashay, in kastoo aan weli la ogaan tirada rasmiga ah ee dadka ku wax yeeloobay.

Gurmadka dadkii wax ku noqday qaraxa ayaa goobta ka socda, waxaana heegan galay ciidamada ammaanka ee ku sugan qeybo badan oo ka tirsan degmada Shangaani.