FARMAAJO iyo ROOBLE oo tegay teendhada Afisyoone iyo wararkii u dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhow iska xaadiriyey Teendhada Afisyoone oo uu maanta ka dhacayo kulan horudhac u ah shirka wada-tashiga qaran ee doorashooyinka.

Waxaa sidoo kale goobta gaaray ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish iyo Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe.

Shirkan oo ay qeyb ka yihiin dhammaan shanta madaxweyne goboleed ee dalka ayaa waxaa qaban-qaabadiisa leh beesha caalamka oo iyadu wada dadaallo xal raadin ah.

Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Afisyoone ay gaaraan madaxda maamul goboleedyada oo ay ku jiraan, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Intiisa badan waxaa kulankan diirada lagu saarayaa ajandaha shirka u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo looga arrinsayao doorashada.

Sidoo kale waxaa kulankani lagu soo qaadayaa xalinta khilaafka u dhexeeya dowladda iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada, sida Puntland iyo Jubbaland.

Ammaanka goobta uu shirku ka dhacayo ayaa waxaa sugaya ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Ilaalinta Ururka Midowga Afrika ee loo yaqaano AMISOM.

Si kastaba shirkan ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah, islamarkaana la’isku mari la’yahay hannaanka loo wajahayo doorashooyina daahay ee sanadkan 2021-ka.