Shir u dhexeeya DF iyo shanta maamul goboleed oo ka furmay Afisyooni

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shir gaar ah oo ay u dhan yihiin madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, kaas oo horudhac u ah shirka wadatashiga Qaran ee doorashooyinka 2021-ka.

Shirkan oo albaabada ay u xiran yihiin ayaa goordhow si rasmi ah uga billowday Teendhada Afisyooni, waxaana goobjoog ah madaxweynaha waqtigiisu dhammaada, ra’iisul wasaaraha xilka sii haya iyo madaxda dowlad goboleedyada oo ay qeyb ka yihiin Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo ay tahay inay markii ugu horreysay la fariistaan dowladda federaalka ah.

Wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa faah faahin kooban ka bixiyey shirkan, wuxuuna tilmaamay inuu furay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo intaasi raaciyey inay rajo wanaagsan ka qabaan in shirka uu guuleysan doono.

Caqabadaha waxa uu ka imaanayay meelaha qaar, waxa aan rajeyneenaa in is faham loo guuri doono si howsha si wanaagsan ay u dhacdo, waxaana rajeyneenaa in shirka uu guuleysto oo uu dhaco isu tanaasul, shacabka waxa aan leeyahay usoo duceeya,” ayuu yiri.

Dhanka kale beesha caalamka oo garwadeen ka ah dadaallada socda ayaa soo qaban-qaabisay shirkan, waxaana n diirada lagu saarayaa ajandaha shirka u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo looga arrinsayao doorashada.

Sidoo kale waxaa kulankani lagu soo qaadayaa xalinta khilaafka u dhexeeya dowladda iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada, sida Puntland iyo Jubbaland.

Ammaanka goobta uu shirku ka dhacayo ayaa waxaa sugaya ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika oo marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan AMISOM.

Si kastaba shirkan ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah, islamarkaana la’isku mari la’yahay hannaanka loo wajahayo doorashooyinKa daahay ee sanadkan 2021-ka.