Shabaab oo weerar culus ku qaaday Bariire & Awdheegle

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab ayaa saakay waaberigii hore weerarro culus ku qaaday laba saldhig oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin magaalooyinka Bariire iyo Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in salaadii subax ee saakay laga war helay dhawaqa qaraxyo culus iyo dagaal xoog leh oo xigay. Dagaalka ayaa yimid kadib markii sida la sheegay Al-Shabaab ay weeraro dhowr jiho ah ku qaadeen degaannada Bariire iyo Awdheegle.

Warbaahinta taageerta kooxda ayaa baahisay in Al-Shabaab ay cagta mariyeen labada saldhig ee weerarka ay saakay ku qaadeen ee ku kala yaalla magaalooyinka Bariire iyo Awdheegle.

Al-Shabaab waxay sidoo kale war rasmi ah oo kasoo baxay ay ku sheegatay in ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta laba saldhig ee ay weerareen. Si dhab ah looma xaqiijin karo sheegashada Al-Shabaab.

Weerarka Bariire ayey Al-Shabaab sheegtay in ujeedka laga lahaa uu ahaa inay qabsadaan deegaanka, halka weerarka Awdheegle uu ahaa wax ay ugu yeereen arbushaad.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay la wareegeen degaanka Bariire. 

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo gurmad ah ayaa waxa la sheegay inay gaareen duleedka degaan ka Bariire oo Al-Shabaab ay xalay dagaal kula wareegeen, islamarkaana ciidamada dowlada ay doonayaan inay degaankaas dib ula wareegaan.

Dhanka kale saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen weerarada kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labda dhinac, balse xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa Shabeelaha Hoose.