Taliye hor-istaagay qorshe ay wadatay xildhibaan Ubax Tahliil oo xilka laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in taliyihii degmada Hodan ee ciidanka booliska Soomaaliya Daa’uud Axmed xilka looga qaaday cabasho ay ka gudbisay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in taliyaha uu is hor taagay dhismo ka socday xaafad kamid ah degmada, waxaana dhismahaas laga dhisayay dhul danguud ah oo degmada ku yaalla. 

Saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Caasimada Online xaqiijiyay in amarka xilka looga qaadayo laga bixiyay xafiiska Madaxweynaha, kadib markii ay u tagtay Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame oo dacwo ah. 

Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame ayaa ah muxaafad weyn oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxeyna aad uga dhax muuqata haweenka taageera Madaxweynaha, iyadoo wacdaro ka dhigtay kulamadii ugu dambeeyay ee Golaha Shacabka iyo dhismihii Galmudug. 

Xogta ayaa tilmaameysa in Xildhibaan Ubax Tahliil loo madax-baneeyay keensashada taliye cusub oo u hergeliyo dhismaha ay ka waddo dhul danguud ah oo ku yaalla degmadaasi. 

Xilka ka qaadista taliyihii hore ee degmada ayaa dhacday lix maalmood ka hor, waxaana islamaalintaas la magacaabay taliye cusub oo lagu magacaabo Bashiir Cabdi Siyaad, taasi oo hadda u suurta-gelineysa Ubax Tahliil inay dhisatao dhulka danta-guud.