Puntland oo shuruud adag ku xirtay ka qeyb-galka shirkii uu ku baaqay Aqalka Sare

Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay mowqifkeeda ku aaddan shirkii uu ku baaqay guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya inuu dhex maro madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada.

Puntland ayaa sheegtay inay soo dhoweeneyso shirkaas, diyaarna u tahay inay ka qeyb-gasho balse, waxay ku xirtay shuruud ah in la qabto kahor 20-ka bishan, haddii uu dhaafana aysan ka qeyb-gali doonin.

“Puntland waxay soo dhaweynaysaa baaqa Aqalka Sare ee in la qabto shir wadatashi iyo in Aqalka Sare guddi u qabteen qabashada shirkaas. Puntland waxay ku baaqaysaa in shirka Ia qabto ugu dambeyn June 20, 2020. Dowladda Puntland waxay cadeynaysaa inaysan qayb ka noqon doonin shir wadatashi oo qorshaysan kadib dhagaysiga Baarlamaanka Federaalka ah ee Guddiga Doorashooyinka ee 27-ka June 2020,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale ku eedeysay madaxda dowladda federaalka ah “in ay si ku talogal ah u marin-habaabinayaan qabsoomida doorashooyinka, ayagoo xeerinaya dano gaar ah iyo isku day in aysan waqtigooda ku dhicin”.

Sidoo kale, waxaa lagu dhaliilay in ka shaqeynayaan qas siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhaca degaanada maamuladda “ayna arrintaas qayb ka tahay burburinta nidaamka federaalka” iyo talo wadaaga dhinacyada.

Hoos ka aqriso qoraalka Puntland oo dhameystiran