26.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

P/land oo shaacisay qodobo ay ka tabaneyso DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa wali aad u dhaliilsan qaabka ay Dowlada Federaalka ah ee Somalia u hogaamineyso Siyaasada Somalia.

C/laahi Maxamed Jaamac ( Quraan jecel) oo ah Afhayeenka Puntland, ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay si cad uga weecatay xushmadii kala dhexeysay Maamulka Puntland waxa uuna hoosta ka xariiqay in xiriirka DF iyo Puntland uu yahay mid qarka saaran.

Quraan jecel, waxa uu tilmaamay in Dowlada Somalia ay isku dayday inay iska horgeyso Puntland iyo Beesha Caalamka hayeeshee taasi ay ku fashilantay, waxa uuna dhinaca kale hoosta ka xariiqay inuu sii xumaanaayo xiriirka labada dhinac.

Waxa uu soo hadal qaaday shirka maanta ka furmaayo magaalada Istanbuul, waxa uuna shirkaasi ku sheegay mid aysan wali Puntland u dirin wafdi, waxa uuna sababta ku sheegay xiriirka ay xumeysay Dowlada Somalia.

Dowlada Somalia ayuu sheegay in wakhti waliba ay ku mashquulsan tahay talaabooyinka ay qaadeyso Puntland, waxa uuna carabka ku dhuftay in mashquulka ugu badan ee DF uu yahay inay kala furfurto Siyaasada Puntland, hayeeshee taasi ay Puntland xili hore ka gaashaamatay.

Geesta kale maamulka Puntland ayuu sheegay inay ilaalinayso wixii lagu hishiiyay oo ahaa in labada dhinac uu dhextaal u ahaa Dastuurka dalka, wixii kasoo harana kaliya ay noqoto xushmad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News