27.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

CC oo ka hadlay bahdilkii ay ku sameysay Kenya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Istanbul (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay bahdilkii dowlada Kenya ay ku sameysay xiligii uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Cumar C/rashiid Cali, ayaa sheegay in bahdilka Kenya ku sameysay uu ahaa mid aysan u dulqaadin karin madaxda Soomaalida, wuxuuna sheegay in xad gudub weyn uu ahaa in wafdi ra’iisul wasaare Soomaaliyeed hogaaminayo lagu xayiro garoonka diyaaradaha ee Kenya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in jawaab cad ay ka doonayaan dowlada Kenya kaasi oo ku aadan waxyaabaha qasbay in wafdigisa muddo saacado ah lagu xayiro dalka Kenya.

Dhinaca kale wuxu sheegay in marmarsiiyaha ay sameyneyso dowlada Kenya uu yahay mid aan macquul aheyn, sababtoo ah buu yiri madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kama dagaan garoonka wajeer oo toos ayay Nairobi kaga dagaan.

“warbixin ayaan sugeynay waxii xildhibaanada la gaarsiiyay annagana waa nala gaarsiiyay, waxa Kenya ay sameysay waa arin dambi ah, midda kale anagana iyo madaxweynaha maba marno Wajeer oo toos ayaan Nairobi kaga dagnaa, marka Kenya xad gudub weyn ayay sameysay”ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa muddo saacado ah lagu xayiray dalka Kenya, waxaana wasaarada arimaha dibada Kenya ay sheegtay in falkaasi uu ahaa qalad ka yimid dhanka madaxda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Turkiga
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News