25.9 C
Mogadishu
Thursday, February 12, 2026

Xog: Qorshaha Xasan Sheekh iyo CC ee Turkiga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dowlada Soomaaliya ee ku sugan dalka Turkiga ayaa marka laga soo tago shirka ka dhacaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga  waxay sidoo kale kulamo la qaadan doonaan madaxda dalka Turkiga iyo Soomaalida ku sugan Istanbul.

Ilo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in wafdiga dowlada Soomaaliya ay kulamo la qaadanayaan masuuliyiinta wasaarada arimaha dibada dowlada Turkiga iyo qaar kamid ah madaxda shirkada Turkish Airline oo ka shaqeyso Soomaaliya.

Ujeedada shirkaasi gaarka ah ayaa ah sidii shirkada Turkish Airline ay kala hadli lahaayeen iney si wanaagsan usii waddo safarada ay ku timaado dalka Soomaaliya.

Shirkada ayaa muddo maalmo ah hakad gelisay safarkeedii dalka Soomaaliya, waxaana xigay arin shaki weyn keentay oo aheyd qaraxii ka dhex dhacay diyaarada Daallo Airline.

Shirkada Turkish Airline ayaa ah shirkada kaliya ee duulimaad heer caalami ah ku timaada dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News