Puntland oo soo bandhigtay xogta ciidamadii dhowaan ‘uga goostay’ Somaliland

Garoowe (Caasimada Online) ― Maamulka Puntland ayaa war ka soo saaray ciidamo ay dhowaan Somaliland ku soo dhaweysay magaalada Laascaanood, kuwaasi oo ay sheegtay inay ka soo goosteen Ciidamada Puntland.

Puntland ayaa gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamtay arrinkaasi, iyadoona beenisay inay Ciidamo ka tirsan maamulkeedu ay ku biireen kuwa Somaliland.

Xuseen Cismaan Gabiley, Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada oo warbaahinta la hadlay ayaa si wada-jir ah waxay u sheegen in Ciidamada ay soo bandhigtay Somaliland yihiin kuwa been abuur ah.

Waxayna Somaliland ku eedeyeen inay dhalinyaro aan ka tirsaneen ciidamada Puntland ay ka kaxaysteen deegaanka Boocame, isla markaana ay ku shaaciyeen inay yihiin ciidamo ka soo goostay maamulkooda, iyagoo u soo xidhay direys, waa sida ay hadalka u dhigeen Mas’uuliyiintaasi.

Somaliland iyo Puntland oo wadaaga xuduud ayaa waxa ka dhex aloosan xiisad colaadeed oo mudda badan ka dhex taagneed labada maamul, midaasi oo la xiriirta gacan ku haysta deegaanada xuduudka ah ee ay wadaagaan.

Labada maamul ayaa iyagu inta badan soo bandhiga Ciidamo ka soo kala goostay labada dhinac, midaasi oo arrin iska caadi ah noqotay in mar walba la arko labada dhinac oo soo bandhigaya ciidamo kagu sheegay inay soo goosteen.